Mo Farah oo booqday Dalka Jabuuti, lana Kulmay Madaxweynaha Dalkaasi

0

Orodyahanka caanka ah ee Mo Farah ayaa booqasho ku tegey dalka Jabuti waxana uu la kulmay Madaxweynaha Jabuti Ismacil Cumar Geelle.

Mo Farah oo asalkiisu yahay Somali balse u carara dalka Biritain oo ku guuleystey tartanka orodka 5000M iyo 10,000 Mitir ayaa ka mid ah orodyahano caalamka ka kala imanaya oo ku tartami doona tartanka caalamiga ah ee Nus Maaraton oo markii ugu horeysay lagu qabanayo dalka Jabuti.

Kulanka ay yeesheen Mo iyo Ismacil ayaa Madaxweyne Geelle waxa uu ka codsaday orodyahanka Mo Farah inuu gacan ka siiyo orodyahanada dalka Jabuti sidii ay u kordhin lahaayeen xiradooda orodada.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Madaxtooyada dalka Jabuti ayuu Mo Farah ku sheegay inuu ku faraxsan yahay in uu ka qeybgalo tartanka lagu qabanayo dalka Jabuti. Madaxa ciyaaraha fudud ee dalka Jabuti Maxamed Axmed Shiikhow ayaa ku tilmaamay booqashada Mo Farah uu ku yimid dalkiisa mid taariiqi ah.

Dalka Jabuti oo leh orodyahano ka qeybgala tartamada caalamiga ah ayaan weli ku guuleysan billado tan iyo sanadkii 1988dii xilligaa oo uu orodyahankooda Xuseen Axmed Salax uu ku guuleystay billad Maar ah tartankii Olombikada ee ka dhacay magaalada Seol ee dalka Kuuriyada Koofureed.