OGEYSIIS MUHIIM AH: Banaabax Looga Soo Horjeedo Xasuuqa Ciidamada Kenya Ee Degmada Ceel Cade Oo Ka Dhacaya Magaalada London.

0

Wararka naga soo gaaraya Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan dalka Ingiriiska gaar ahaana magaalada London ayaa waxa ay sheegayaan inay dhawaan qaban doonaan banaabax balaaran oo looga soo horjeedo xasuuqa ay ciidamada Kenya u geysteen dadka shacabka ah ee ku degmada Ceel Cade iyo guud ahaan gobolka Gedo.

Warkan ayaan intaasi waxa uu ku darayaa in banaabaxan uu ka dhici doono magaalada London maalinta Khamiista ah ee ay taariikhduna tahay 11/2/2016 oo uu bilaaban doono markay saacadu tahay 11.00 AM.

Waxaa loogu baaqayaa dhamaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska inay kasoo qayb galaan dibedbaxan looga soo horjeedo xasuuqa dadka maxaasta ah iyo xoolahooda ee ay sida joogtada ah u geysanayaan ciidamada dowladda Kenya.

Sidoo kale waxaan idiin soo gudbin doonaa maalmaha soo socda Insha Allaah goobta uu ka dhacayo banaabaxan iyo macluumaad kale oo dheeri ah.

CEELCADE
Wixii Faahfaahin Dheeri Ah Ee Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media