PUNTLAND HAGAR DAAMADA SOKEEYE HALAGA DAAYO…

0

Puntland waa maamul soomaaliyeed oo ka taliya dhul aad u balaaran iyo laba badood.dadkii u dhashay iyo kuwii gobolada dalka kayimid ayaa mudo dheer uugu nool si nabad ah. hadii illaahay nicmo ku siiyo waa lagu shukriyaa dadkaagana waa loo cadaalad falaa.soomaali iska dhaafe puntland ajinabi farabadan ayaa ku nool oo ku haysta ganaacsi iyo amaan.

Dhanka kale puntland waxay leedahay,shisheeye aan la rabin hormar,hadana jecel in uu burubriyo oo lagu kala tago.Waa iyana jira gudaha soomaaliya dad laraba puntland dhibaato oo aan jirin sabab ku kalifta oo aan ka ahayn uun talo xumo wax magaradnimo iyo wax la xariira.lama garanayo waxay ka dheefayaan. hadaan intaa ka gudbo.

Waxaan aad u jeclahay hormarka iyo midnimada puntland iyo soomaaliya oo dhanba.waxaanse arkaa sida puntland ku socota hada ma qurxoona mana jeclayn in aan ka faaloodo arimaha qaarkood balse hadaan runta la dooxin markan oo kale dhibkaa inta ka badanaya run ahaan.waxaan arkaa puntland oo waayadan danbe aad moodo inay u dhaqmayso sida lagu yaqaan dhaqanka  siyaasiyinta mogdisho.puntland siyaasiyiinteedu lagu ma aqoon,musuqmaasuq xad dhaafa,hogaamiye beenaale lagu tuhmo,go aan aan cadayn. puntland laguma aqoon siyaasiyiin kumilan mogidisho hadana puntland ah oo jiho aan lahayn lagu aamino.in iyada oo aan la helinba dawlad dhexe oo dalka ka talisa sibuuxda oo fadaraal ah in Putland arimaheeda mogdisho iska maamulato laguma aqoon putland hada ka hor. madaxda iyo siyaasiyiinta puntland u dhashay,in hadii qaar sidaa yeeleen oo mogdisho la fidhiyaan,in midkale oo isna u tagay halkaa lawada hoos fadhiistay in isagii danbiilo laga dhigoo la baacsado,qaarna la aamano loo heeso sidan laguma aqoon puntland.

Dr abdiwali madax waynaha puntland masiirka dadka iyo dalka in uu siduu rabo ku sameeyo puntland xaq miyuu u leeyahay? Mudug ma puntland bay kamitahay suaal ah saw hada isma waydiin karo hadynu nahay shacab daacad u ah puntland oo nin jecelaysi hoose meel iska dhigno?Dr Abdiwali miyuu ilaaliyay qodabkii dastuurka ahaa ee ku salaysnaa samaynta dawlad maamul goboleedyo  kamid noqanaya fadaraalka inay  shardi tahay laba gobol iyo wixii kabadan inay samaysan karaan state sida ragii ka horeeyay isaga u ilaasheen?Hadal ahaan iyo way kala tahay wax qoraal iyo xeer dawladeed ah hadaba waa aragnay oo ma inkirayo isagoo leh madaxwayne Dr gaas gobol iyo bar ma buuxin shuruudi state,laakiin dhanka kale waxaan aragnay dawladii dhexe ee fadaraalka,maamuladii kale ee fadaraalku aqon sanyahay iyo caalamkiiba oo ay galmudug si garba siman ah ay u dhinac fadhido puntland oo dr gaas matalayo ayadoo arintaa DR gaas uusan waxba ka dhihin balse uu wax laqaybsaday. hadaba dhab ahaan wuu aqoon sanyahay waana wada aragnaa in meel walba galmudug oo xukunta sida sharciga ah laba gobol oo ah mudug iyo galguduud in uu raali ku yahay fakirkan oo uu keenay Madax waynaha soomaaliya xasan sheikh oo dhisay galmudug,hadaba sow lama tuhmi karo in uu dr gaas damujadiid la shaqeeyo? muxuu gaas u cadayn la yahay ilaa hada sababta ku xanbaaraysa kala hadalka iyo ficilka is dhaafsan?

Madaxwayne gaas shirkii kismanyo in laysku fahmi waayay oo lagu kala tagay muusan sheegin iyo wuxuu ka yiri halkaa oo cad? hadna ilaa maanta dhab ahaan reer puntland mahayaan qoraal,cod iyo ficil ah in uu diiday isla goobtii arimahan 4.5 oo dadka soomaaliyeed diidan yihiin badan koodu puntland shacabkeedu haba ugu horeeyee? shirka ma ahayn mid lagu tashanayay gaba gabadiisii mogdisho ee wuxuu ahaa mid wax lagu sixiixayay ah go aan loo sheego caalamka wuuna dhacay iyagoo laysku waa faqay 4.5 suaashaa waxay tahay miyaan haynaa dr gaas oo leh maxaad been iiga sheegaysaan mana ogolaaday oo sixiixay heshiiskaan iyo puntland aahaan kuma jiro heshiskaan? miyaa la qasboo xoog ku sixiix baa layiri? dhanka kale raysal wasaaruhu si cad buu ula jiraa xasan sheikh wanaa u jeedaan isagoo ah siyaasi puntland u dhashay in uu raacsan yahay maxaa reer puntland uga hadli waayeen?

Aragtidan sow maha dr gaas iyo raysul wasaare cumar waxay xaq u leeyihiin inay hoos geeyaan masiirkii puntland iyo mustaqbalkiiba xasan sheikh iyo damujadiid laakiin nin kii kale ee u dhashay puntland ee madax Wayne xasan u dhawaadaa waa danbiile lacag la siiyay oo puntland duminaaya sidan miyaa sax noqotay? maxaa siyaasiga tusaale yar sida hada cabdisamad galan oo kale haduu kaba soo qaad utagay ileen waa siyaasiyee madax Wayne xasan sheikh oo dano ka dhexeeyaan maxaa loogu soo boodayaa,loogu gafayaa hankiisa iyo siyaasadiisa iyo danihiisa? kuwan aan uwada jeedno ee puntland duminaya ee indhaheena oo shan ah waxaa aad u jeedaan samaynaya,maxaynu u arki waynay? mise indhaheeno iyaga ma arkaan sida cabdisamad u arkaan oo kale? puntland hadii ragii hormuudka u ahaa inay iibiyaan raali looga wada noqday oo waliba halkii lagala xisaabtami lahaa runtii laga leexanayo oo duco laagu sii darayo hada adeer daaya dadku xaraashaka puntland haka wada qayb qaatee!!

GUNAANAD

Punland sida uugu dhaqsaha badan 3 arimood waa in loo xaliyaa,uugu horayn madaxwayne dr gaas waa in uu cadeeyaa Gaalkacayo iyo waqooyiga mudug ama dagmooyinka ay leeyihiin shacabka puntland xeerka dawliga ah ee soomaaliya oo leh dawlad fadaraal ah oo la aqoon sanyahay ma waxaa loo aqoon sanyahay oo dawladu u aqoon santahay in dagmooyinkaasi yihiin gamudug state mise puntland state? waxaa markaa sax noqonaya kii dawladu aqoon santahay ogaada taas. markaa waa in shacabka runta lagu dhaqaa hagardaamadana laga daayaa iyo ganaacsiga.

 

2.In dr gaas   cadeeyo halka uu ku diiday 4.5 iyo goorta uu diiday madaama go aankii uu fadhiyay lana cadeeyay in laysla qaatay oo laysku wada raacay nidaamkaas  sanadkaan loo dhisi doono dawladii badali lahayd tan hada jirta iyo baarlamaan cusub. si kalsoonida shacabka puntland iyo dawladooda iyo dadka dhexdiisaba ulumin kalsoonidu cadayn dhab ah ayaa larabaa. ninkii dr cabdiwali u raba jaga haku siiyo iyo waa inaadeerkaa iyo shilimaad ka hel adeer tani waa kaduwan tahay waa aayaheenii nina kayeeli mayno.

3.Bari bulhaankaa ka baxaya,maha mid si fudud ku dhashay ee waxaa keenay talo xumo iyo ku xad gudbid xuquuqdii siyaasadeed ee bari iyo danahoodii oo la tix galin waayay.xaq bay uleeyihiin inay u istaagaan dantooda laguna tix galiyo waayo waa muwaadiniin reer puntland ah wax garadna ah oo xadaari ah.maha in siyaasigooda la caburiyo fasirkalaa imanaya doodna maha ninbaa xasan u tagay adoo ku milanba!! tani waa tabasho shacab uun dawladu ha qanciso dadka.Bari waxaan leeyahay puntland aynu wada ilaashano xaqiina miiska la imaada nabada ogaada maha xili la dagaalamo gacanta laga hadlayo ayaan diidayaa,dib haynoo celinina dadku waa ehel.

Puntland shacabku maxuma laakiin waa in aan loo fakarin in wixii la doono layska sameeyo adoo iyaga matalaya.intan aan kor kuxusay waxaan ula jeedaa in dawlada puntland hogaan keeda sare iyo dawladuba cadayso arimaha u keeni kara puntland dhexdeeda was waas halaga saaro dadka was waaska,halaysu baadi goobo miis wada hadal akhyaarta puntland haysugu yimaadaan,culays yadan ayaamahan soo kordhay iyo xiligaan kala guurka dadka halaga dabaal siiyo.anigu difaaca shisheeyahaan badiyaaye arimaha sokeeyaha ma jecli kumana kacsani dr gaas si gaar ah balse waa taageeraa laakiin kayeeli maayo wax aan u arko in uu wax u dhimi karo aayaha puntland waayo isagu waa shaqaale xil aan u dhiibanay xili go an uun,rag baa ka horeeyay waa tageen,ragna waa ka danbayn markaa waxaa muhiim ah danaha dhaw iyo kuwa fog ee puntland shaqsi dhib malaha waana fiicnaan karaa waana xumaan karaa,kolkaa wax sixid baan rabaa iyo in dadku fahmaan in aan hogaamiyaha lagu raacin khaladkiisa iyo waxa wax u dhimaya danaha guud ee puntland.Adeer hadaynaan gaas la xisaabtamaynin waa khalad in cidkale farta lagu fiiqaa oo reer puntland ah waa hadaynu rabno danteena iyo aayaheena dhab ahaan.DR gaas hadii uu shacab ahaan naga qanciyo si geesinimo leh oo cad 1.arinta mudug,mawqif cad oo uu isagu ka taagan yahay? 2. Doorashada 2016 mawqif cad oo uu isagu ka taagan yahay? labadaa arimood hadii isagoo la tashanaya reer puntland uu go aan cad ka istaago anaguna waxaa balan nagu ah in aan dib ugu doorano puntland isla markaana wuxuu noqonayaa nin soomaali oo dhami ku aaminto go aan adaygiisaa iyo mawqifkiisaa cad wuxuuna u dalici madaxwayne soomaaliyeed ilaahay idamkiis.anagu hogaan fiican ayaan rabnaa cidna ma diidanin .puntland waa jirtay waana jiri doontaa inshaa allaah waana is afgaran doonaa waayo waxaynu nahay dad leh xadarad iyo ilbaxnimo filwayn.

W/Q: Yuusuf Cumar  Mashruuc5@hotmail.com

pastedImage