Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay goobaha ay degan yihiin dadka barakacayaasha Soomaalida ah

0

Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Dadka Barakacaayasha, Walter Kälin  ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay  in wax badan laga qabto Xaalladda dadka ku barakacay gudaha dalka Somalia.

“Waxaan u baahanahay in xal waara loo helo Barakacayaasha, waxaana u baahanahay inaan maalgelino Dhismooyin, Adeegyada Asaasiga, loo abuuro shaqooyin, kadib ayaan awoodi karnaa inaan caawino Barakacayaasha si ay mar kale ugu soo biiraan nolosha caadiga ee Somali” ayuu yiri Ergayga QM ugu qaabilsan dadka Barakacayaasha oo muddo 2 Toddobaad ah socdaal ku soo maray dalka Somalia.

Dhinaca kale, Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Dadka Barakacaayasha, Walter Kälin  ayaa sheegay in la joogo xilligii la xoojin lahaa isku-xirka u dhexeeya Hawlaha Samafalka iyo Barnaamijyadda Horumarinta oo uu tilmaamay inuu qeyb ka yahay Xalka qorshaha dheer ee Barakacayaasha muddada dheer barakacsanaa..

Xafiiska QM ee Isku-xirka Hawlaha Samafalka (OCHA) ayaa sheegtay inay in ka badan Hal million oo Barakacayaal ah ku tiirsan yihiin Taageeradda Samafalka.

Magaalladda Muqdisho oo keliya waxaa ku nool Ku-dhawaad 400,000 oo Barakacaayaal dhowr sanno ka soo hayaamay Deegaannadii ay horey ugu noolaayeen.

1