QM oo ku dadaaleyso nabadeynta Dalka Suuriya iyo Mareykanka oo weli wado qorshe Cusub

0

Qaramadda Midowbe ayaa isku dayeysa in ay agaasinto dulimaadyo badan oo samafal ah iyo kuwo kulunyo lagu geynayo deegaanadda go’doonsan ee dalka Suuriya ka dib markii Awoodaha Waaweyn ee adduunku ay ku hashiiyeen in ay iskudayaan in la soo afjaro dagaalka Suuriya.

Ka dib markii ay kullan ku yeesheen magaaladda Munikh, dalalka Mareykanka, Ruusha iyo shan iyo toban kale oo dal ayaa ku dhawaaqay qorshe colaadda lagu joojinayo todobaad gudihiis.

Hase yeeshee, Ruushka ayaa sheegay in uu sii wadi doono duqeynta xagga cirka ee ka dhanka ah kooxaha Jihaad Doonka ah.

Ma cadda in dowladda Suuriya iyo kooxaha waaweyn ee mucaaradku ay aqbali doonaan heshiiskan lagu gaaray magaaladda Munick ee dalka Jarmalka.

Heshiirka ayaa waxaa uu qorayaa in todobaadkan la bilaabo in gargaarka samafalka isku isku mid ah loo geeyo sida ugu deg deg badan dhamaan deegaanadda gargaarka looga baahan yahay.

160212063620_kerry_lavrov_munich_conference_512x288_reuters