SAWIRRO:- IS oo soo bandhigtay wiil 4 sano jir ah oo qarxinaya baabuur lagu dhex xirey 4 maxbuus

0

Ururka IS ayaa soo bandhigay cajalad muuqaal ah oo laga arkayo wiil 4 sano jir ah oo ka soo jeeda dalka Britain kaasoo qarxinayo baabuur lagu dhex xirey afar ruux oo lagu eedeeyay inay basaasiin ahaayeen.

Wiilkan oo IS u bixisay “Jihadi Junior” ayaa hooyasii waxaa ay ku biirtey ururka IS iyadoo hore u ahayd Masiixiyad balse markii dambe qaadatay diinta Islaamka.

Wiilkan yar ayaa la arkayaa isagoo gacanta sare u qaadaya kuna qeylinaya ‘Allahu Akbar.’ Iyadoo ay tahay markii labaad oo uu ururka IS soo bandhigayo muuqaalka wiilkan yar.

Afarta ruux ee lagu dhex gubay gaari yar oo waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa mid mid u qiranaya inay ahaayeen basaasiin ay wadamada reer Galbeed lacago ku siiyeen inay sawiro ka soo qaadaan magaalada Raqqa ee xarunta kooxda IS.

Qof u muuqday inuu ahaa mas’uulka howsha dilka ku fulinayay afarta ruux ayaa intii aysan dilin waxa uu ugu digay ra’iisal wasaaraha Britian David Cameron inuu soo hubeeyo ururada mucaaradka ku ah IS ee jooga dalka Siiriya.

Mid kamid ah ururada kasoo horjeeda IS oo xaruntoodu tahay magaalada Raqqa ayaa sheegay in ragga qaraxa lagu dilayo ay ahaayeen dad ganacsato ah oo laga yaqaan magaalada Raqqa.

Afhayeenka Ra’iisul wasaaraha Britian ayaa ku tilmaamay cajalada la soo bandhigay inay ka marag kacayso jaahilnimada IS iyo in loogaga dan leeyahay dacayaad.

1 2 3 4 5 6