DHAGEYSO:- Shir weyne loogu hadlayo mideynta ciidanka booliiska soomaaliya oo muqdisho lagu qabanayo

0

Taliyaha ciidanka booliiska soomaliya General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay qabanayaan shir weyne loogu hadlayo mideynta ciidanka booliiska soomaaliya.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in shirkaasi ay ka soo qeyb galayaan dhamaan Wasaaradaha amniga ee Maamul goboleedyada Dalka iyo Wasaarada amniga ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa loogu hadlayaa sida uu sheegay Taliyaha sidii loo mideyn lahaa Ciidanka booliiska soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in ay rajo wanaagsan ka qabaan sidii lo tayayn lahaa ciidanka booliiska soomaaliya.

Taliska ciidanka booliiska soomaaliya ayaa ku howlan tayaynta ciidanka booliiska soomaaliya iyo sidii loo mideyn lahaa.

Waxaa soconayo tababaro joogto oo la siinayo ciidanka booliiska soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-