TOP DHAGEYSO: Askari Ka Tirsanaa Ilaalada Xabsiga Dhexe Oo La Qabtay Kadib Markii Looga Shakiyay Al Shabaabnimo.

0

Wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in Xabsiga dhaxe ee Xamar lagu arkay xubno alshabaab ka tirsan dhanka kalana ka tirsan Ciidanka Asluubta ee Dowlada federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Macalin Xasan Cali ayaa shegay in maalmihii dambe ay jireyn shakiyo la xariiray qaar kamid ah ciidanka Asluubta in ay la shaqeeyaan Alshabaab.
Macalin Xasan ayaa sidoo kale sheegay in xabsiga la dhigay mid ka mid ah ciidanka ilaalada Xabsiga dhaxe kaasoo laga shakisan yahay.

Afhayeenka wuxuu intaas ku daray in Askariga la xiray aanan lagu heyn wax cadeyn ah oo la xiiriira Al Shabaab balse waxa uu u xiran yahay ay tahay oo kaliya tuhun.

 

 

Hoos Ka Dhageyso

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media