TOP NEWS:- Al-shabaab”Madaafiic ayaan ku Garaacnay Xarunta AMISOM Ee Xalane”

0

War lagu Qoray Warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu Sheegay in Xarakada Al-shabaab ay Madaafiic ku garaaceen Xarunta ugu weyn ee Ciidamada Midawga Afrika Ee AMISOM ee Xalane.

Al-shabaab ayaa Warkooda ku sheegay in ugu yaraan 10 Madfac ay ku dhufteen Gudaha Xarunta Xalane,iyagoo intaa ku daray in Weerarkaasi uu ahaa mid Qorsheysan.

AMISOM iyo Laamaha Ammaanka Soomaaliya wali kama hadlin Wararka sheegaya in Al-shabaab ay Duqeeyeen Xarunta Ciidamada AMISOM ugu weyn ee Xalane la yiraado.