Top News: Axmed Madoobe “Soomaaliya Xiligan Ma Xamili Karto Siyaasada Mindi Mindi Ku Taaga Ah”.

0

Axmed Madoobe ayaa sheegay in xiliga lagu jiro aysan Soomaaliya xamili karin Siyaasad mindi midi ku taag ah waxa uuna dhaliil ka muujiyay qaabka ay Puntland ula dhaqantay Wafdiga Beesha Caalamka.

Madaxweynaha Jubba-land Axmed Madoobe waxa uu sheegay in muddo farabadan ay qaadatay wada hadalkii u dhexeeyay Dowlada iyo maamulada dalka islamarkaana lagu heshiin waayay goortii la helay heshiis dhex dhexaad ah ay maamulada qaar is hortaag ku sameeyen.

Waxa uu sheegay inaan la heli doonin Siyaasad dhaanta tan Beesha Caalamka, waxa uuna tilmaamay in Dowladu ay damacsaneyn inay qaado talaabo ka daran tan iminka ay ku ansixisay qaadashada 4.5, balse Beesha Caalamku ay faragalin ku sameysay loona baahnaa in sideeda lagu adeeco bacdamaa ay Soomaalidu heshiin la’ dahay.

Dhinaca kale Axmed Madoobe waxa uu sheegay in Jubbaland aysan raali ka aheyn in Somalia lagu sii maamulo 4.5, balse ay ka qajilayaan is qabqabsi iyo Khilaaf hor leh in wakhtigaani uu dhaco, sidaa aawgeedna ay Magaalada Muqdisho kala soo tageen go’aan ah inay qaaten nidaamkaasi inta laga gaarayo isbedel Siyaasadeed.

Isku soo wada duuboo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Waxa dhaliilay go’aanka ay Puntland ku diiday 4.5, isaga oo sheegay in dhowr sano dulqaad ay muujin kartay Puntland iminkana loo baahan yahay inay muujiso dulqaad inta laga gaarayo nidaan ka duwan kan Somalia hadda ka shaqeeya.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media