Top News: Ciidamada AMISOM Oo Ku Fashilmay Hawlgalka Soomaaliya.

0

Ciidamada Midowga Africa ee ku sugan dalka Soomaaliya ayaa wajahaya Su’aalo cusub oo la xiriira weerarkii bishii lasoo dhaafay Alshabaab ku qaadeen saldhiga ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

Weerarkaasi ayaa ururka Al-shabaab waxay sheegteen iney ku dileen ku dhawaad 100 askari oo kamid ah ciidamada Kenya ee ku sugnaa saldhiga ku yaala deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

Ciidamada Militariga dalka Kenya ayaanan ilaa iyo hadda si cad u sheegin tirada rasmiga ah ee ciidamada Kenya kaga dhintay weerarkii Ceel-cadde, laakiin waxaa weerarkaasi lagu tilmaamaa weerarkii ugu xumaa ee ciidamada AMISOM kala kulmaan Al-shabaab.

Weerarka Alshabaab ka geysteen deegaanka Ceel-cadde iyo dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay degmada Marka ayaa la sheegay in Al-shabaab badan aysan ka qeyb qaadan marka loo eego ciidamada AMISOM oo tan iyo 2007 ku sugan dalka Soomaaliya.

Marka laga eego ujeedada ay u joogaan Soomaaliya ayaa ah yareynta weerarada Alshabaab ka geystaan dalka Soomaaliya iyo taageerada ciidamada dowlada Soomaaliya ee qabsanaya magaalooyinka Al-shabaab ku sugan yihiin.

Weerarkii ka dhacay degmada Ceel-cadde kadib ayaa ciidamo ka tirsan Kenya waxay ka baxeen magaalooyin dhowr ah oo ku yaala koofurta dalka Soomaaliya, waxaana saraakiisha ay ugu yeereen dhaqdhaqaaq farsamo oo ciidamada ay wadaan.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media