TOP NEWS:- Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday howlgal al-Shabaab looga saarayo dalka

0

Wasiirka gaashandhigga xukuumadda faderaalka ah ee Soomaaliya,Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo wariyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay ciidamada dowladda oo gacan militeri ka helaya kuwa Midowga Afrika inay billaabayaan howlgal looga dan leeyahay sidii al-Shabaab looga saari lahaa dalka guud ahaan.

“Ciidamada xoogga waxaa ay dhawaan qaadi doonan howlgal ka dhan ah al-Shabaab,waxaana ku doonayna meelaha ay ku dhuumanayaan inan ka saarno,”ayuu yiri wasiir Diini oo shir saxaafadeed ku qabtay Muqdisho.

Wasiirku waxa uu ciidanka kula dar daarmay xoojinta amniga goobaha ay ku suganyihiin ayna u diyaar garoobaan ka xoreynta wax uu ku sheegay cadowga Ummadda meelaha ay gobollada dalka kaga suganyihiin.

Waxaa kalo uu wasiirka ka dalbaday dadka Soomaaliya inay isku fikir ka noqdaan la dagaallanka al-Shabaab, isla markaana ay ciidamada ammaanka gacan ku siiyaan sidii ururka al-Shabaab looga hortagi lahaa.

Markii ugu horreysay ma noqonayso hadalkan oo kale inuu ka soo baxo dowladda Soomaaliya oo ku hanjabeysa inay dalka ka saarayo al-Shabaab,waxaana ay wali dowladda ku dhibtoonaysa sidii ururka looga sifeyn lahaa deegaanno koonfurta ku yaalla oo ay maamullan.