TOP NEWS:- Hindiya oo xayirtay qorshe Facebook

0

Hayadda maaraysa isgaarsiinta Hindiya ayaa ka xayirta Facebook inuu siiyo internet lacag la’aan ah waddanka.
Barnaamijka Facebook oo loogu magac daray Free Basics, ayaa qorshaynayay inay si lacag la’aan ah ay u booqan karaan bar internetyo qaas ah, sida bogag wararka waddanka, caalamka, cimilada iyo caamifaadka laga aqristo.

Facebook ayaa ku doodaysa in barnaamijka ay ka faa’idaysanayaandadka saboolka ah ee Hindiya, gaar ahaan dadka degan tuulooyinka.

laakiin dadka dhaleecaynaya barnaamijka ayaa sheegaya inay ka soo horjeedo dhexdhexaadnimada iyadoo dadka ay booqan karaan oo kaliya bar interneetyo gooni ah.