TOP NEWS:- Kuuriyada Waqooyi oo gantaal dirtay iyo Dalalka uu gantaalkaasi dulmaray oo daan daansi ku tilmaamay

0

Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay riday gantaal rida dheer, iyadoo iska dhega tirtay digniinaha caalamiga ah ee loo jeedinayay, waxa ayna sheegtay in si guul ah uu gantaalka xambaarsanaa dayaxgacmeedka ugu gaaray hawada sare.

Waxaa jiray cambaarayn baahsan oo ku aaddan gantaalka ay gantay Kuuriyada Waqooyi, iyadoo la sheegay in taasi ay xagdugub ku tahay qaraarada Qarmada Midoobay.

Ra’iisul Wasaaraha Japan, Shinzo Abe, ayaa gannida gantaalka oo qeyb ahaan dulmaray hawada Japan, ku tilmaamay gabi ahaanba wax aan loo dulqaadan karin.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Park Geun-hye, ayaa sheegtay in arrintaasi ay tahay daandaasi, waxa ayna ku baaqday in lagu soo rogo cunaqabateenno culus.

Shiinaha oo ah xulafada ugu weyn Pyongyang ayaa sheegay in uu ka xun yahay gantaalka la ganay, gantaalkaasi oo TV-ga qaranka Kuuriyada Waqooyi uu sheegay in si guul ah uu u gaaray hawada sare.

Mareykanka, Japan iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay dalbadeen in galinka dambe ee maanta oo Axad ah uu shir deg deg ah isugu yimaado Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, si arrintan looga xaajoodo.