TOP NEWS:- Madaxweynaha Pakistan oo war cad ka soo saaray xuska maalinta jaceylka oo beri ku beegan

0

Madaxweynaha Pakistan, Mamnoon Hussain, ayaa shacabka dalkiisa ku boorriyay iney ka fogaadaan  xuska maalinta jaceylka ama Valentine, oo ku beegan beri oo Axad ah 14 fep.

Mamnoon Hussain madaxweynaha Pakistan ayaa sheegay in arintaasi aysan saameyn ku laheyn dalkiisa, isagoo tilmaamay in xuska maalintaasi uu ka soo horjeedo diinta Islaamka.

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo maamulka degmada Kohat ee waqooti galbeed Pakistan uu mamnuucay iibinta ubaxa ama dharka loogu dabaaldego maalinta Jaceylka.

Maamulka magaalada Peshawar ee dalkaasi ayaa sidoo shalay mamnuucay u dabaaldegga maalinta jaceylka, isagoo micno la’aan ku tilmaamay xuska maalintaasi, inkastoo marki dambe uu maamulku ka laabtay go’aamkaasi kaddib markii ay ka soo horjeesteen mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi.