TOP NEWS:- Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo ka guuleystay Maxkamadda Danbiyda Caalimiga

0

Xaakimada Maxkamadda Racfaaka ee Maxkamadda Danbiyda ee Caalimiga ah ayaa buriyay go’aan ay tahay in lagu qaato qoraalo marqaatiyaal hore ay sameeyeen oo la xiriira dacwad ka dhan aheyd madaxweyne ku xigeenka, Willian Ruto.

Mr. Rugo ayaa loo heystay eedeymo la xiriira dabiya ka dhan ah bani’aadaninimadda in dad badan oo lagu dilay doorashada dalkaasi ka dhacday sanadkii 2007dii.

Dacwadii ka dhanka aheyd, Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa mar hore fashilantay. Waxaa jiray eedeymo la xiriira cabsigalin iyo laaluush, iyadoo marqaatiyada inta badan ay la noqdeen warbixinadii ay qoreen.

Bishii August xaakimadda ayaa ogolaaday in la aqbalo shan marqaati wararkii ay qoreen. Qareenada difaacaya madaxda Kenya ayaa ku dooday in uu xukunka cadaaladda baalmarsanyahay.

In ka badan kun qof ayaa lagu dilay dagaal qabyaaladda salka ku haya ee dhacay codbixintii ka dib sanadkii 2007dii. Marka laga gudbo Mr. Ruto iyo Mr. Kenyatta, tiro kale oo isku jira siyaasiyiin, suxufiyiin ayaa lagu soo oogay dacwada la xriira danbiya ka dhan ah bani’aadaninimada.