Top News: Madaxweyne Ku Xigeenka Koonfurta Sudan Oo Loo Magacaabay Reik Machar.

0

Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kiir ayaa Madaxweyne kuxigeen u magacaabay ninkii uu loolanka siyaasadeed kala dhaxeeyay Reik Machar ee ahaa hogaamiyaha Mucaaradka.

Reik Machar ayaa xilka Madaxweyne kuxigeenka horay u hayay, ka hor inta uusan bilaaban dagaalka Koofurta Sudan dhamaadkii sanadkii 2013.

Mr Reik Machar ayaa soo dhoweeyay xilka mar kale loo magacaabay, kadib heshiiskii awood qeybsiga ahaa ee lakala saxiixday bishii Agosto ee sanadkii hore.

Tallaabadan ayaa muujineysa horumar laga gaaray dadaalka nabadeed ee loogu jiro in nabad waarta laga gaaro dalkaas.

Dagaalka Koofurta Sudan ayaa barakiciyay illaa hal malyan iyo shan boqol oo kun oo ruux, waxaana ku bur buray hanti badan.

Khilaafka u dhaxeeyay Salva Kiir iyo Reik Machar oo ka soo jeeda labada qabiil ee ugu weyn dalkaas ayaa salka ku hayay sida loo qeybsanayo awooda dalkaas oo hodan ku ah Saliida.

Koofurta Sudan ayaa ka go’day Sudan inteeda kale, kadib muddo dheer oo ay wada dagaalamayeen.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media