TOP NEWS:- Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dalka Ciraaq oo khudba u jeediyay Baarlamaanka Soomaaliya

0

Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qabsaday kulankiisii gaar ka ahaa waxaana kulankaas ku horyimid Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dalka Ciraaq oo uu wehliyo R’iisulwasaaraha Xukuumadda Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo Safiirka Dowladda Soomaaliya ee dalka Ciraaq.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo jeediyay qudbad uu ku soo dhaweynayay Madaxweyne kuxigeenkii hore dalka Ciraaq Ciyaad Calawi ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya ay sharaf u tahay inay soo dhaweeyaan Mas’uulkan.

Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dalka Ciraaq Ciyaad Calawi oo Baarlamaanka khudbad u jeediyay ayaa sheegay in taariiq weyn ay ka dhexeyso Waddamada Ciraaq iyo Soomaaliya.