TOP NEWS:- Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha oo loo gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka

0

54 ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa saxiixday Mooshin cusub oo ka dhan ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaanadan, ayaa waxay Mooshinkan gacanta ka saareen Guddoonka Sare Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna Madaxweynaha ku eedeeyeen inuu ku tuntay Dastuurka Qabyo Qoraalka Somaliya.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa uu maanta ku dhawaaqay in 54 ka mid ah Xildhibaanada ay soo gaarsiisay Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha.

Gudoomiyaha, ayaa ku cadeeyay in Mooshinkan uu yahay mid sax ah, bacdamaa sida uu sheegay ay saxiixday 54 ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Somaliya.

Prof. Jawaari, ayaa iclaamiyay in maalmaha soo socdo ay Mooshinkaasi horkeeni doonaan Xildhibaanada, si ay kaga doodaan, eedeymaha ku xusan ee loo soo jeediyay Hogaamiyaha Wadanka.

Xildhibaan Maxamed Yuusuf oo ka mid ah Xildhibaanada Mooshinka ka soo diyaarisay Madaxweynaha, ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu amray in la baaro Xildhibaanada, taasoo ah buu yiri mid xasaanadda looga qaadaayo Xildhibaanada.

Xildhibaan Maxamed Yuusuf oo Warbaahinta la hadlay, ayaa xusay inay jiraan Xildhibaano ka dhoofeysay Garoonka Aadan Cadde, oo si adag ay u baareen askarta ka hawlgasha.

Mooshinkan, ayaa waxaa uu ku soo aadayaa, xilli Axadii uun uu Madaxweynuhu hortagey Xildhibaanada, una jeediyay khudbadiisii ugu horeysay ee sanadkan.