TOP NEWS:- Musharraxiinta doorashada Uganda oo dooday

0

Doodda oo dheerayd ayaa waxaa yeeshay sideeda musharrax ee ku tartamaya doorashada Uganda.

Madaxweyne Yuweri Museveni ayaa markii ugu horeysay ka qaybgalay dooda, waxaana wax la iska weydiiyay arrimo ay ka mid yihiin ammaanka dalka iyo waliba shidaalka dhowaan laga helay dalkaasi.

Madaxweyne Musaveni ayaa ka hadlay galitaankii ciidanka Uganda ee dalka Congo. Sidoo kale waxaa laga dooday joogitaanka ciidanka Uganda ee ku sugan Soomaaliya.

Kizza Besigye oo ka mid ah musharrixiinta ugu caansan mucaaradka ayaa isna taabtay arrinkaasi.

Jeneral Amama Mbabazi, oo horay uga tirsanaa ciidanka Uganda, isla markaana ah musharrax madax bannaan, ayaa dhaliilay siyaasada xukuumadda hadda jirta, wuxuuna ku taliyay in ciidanka Uganda ee Soomaliya joogay lagu garabwado in siyaasada dalkaasina la taageero.

Doorashada ayaa Uganda ka dhacaysa Khamiista soo socota.