TOP NEWS:- Puntland oo mar kale si kulul ula hadashay Beesha Caalamka

0

Xukuumadda Puntland ayaa wax laga xumaado ku sheegtay beesha caalamka inay ku tilmaamto shirkii Muqdisho dhawaan lugu soo gaba-gabeeyay inuu ahaa mid loo dhan-yahay,sida lugu sheegay war-qoraal ah oo ka soo baxay golah wasiirrada.

Puntland,waxaa ay ku celisay inaysan marna qaadan doonin idamka 4.5 in lugu soo xulo baarlamaanka cusub ee dalka,kuwaaso dooranaya hoggaamiyaha waddanka.

“Golaha xukuumadda Puntland,waxay wax laga xumaado ku tilmaamen hadallada soo noq-noqonaya ee beesha caalamku ay ku tilmaamayaan in go’aankii Muqdisho uu ahaa mid loo dhammaa,iyadoo Puntland aysan ka qayb ahayn go’aankaas,”sida ayaa lugu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay shirka golaha wasiirrada Puntland.

Dhaleeceynta ay Puntland u jeedisay beesha caalamka,waxaa ay ku soo aadaysa xilli ay socdaan dadaallo lugu doonayo Puntland in looga dhaadhiciyo sidii ay ku ogaan lahayd qabka loo go’aamiyay doorashada dalka ka dhacaysa dhammadka sanadkan,waxaana qorshuhu yahay dhawaan wakiilka Qaramada Midoobay iyo xubno kale inay Puntland soo gaaran.