Top News: Wiil Soomaali Ah Oo Maxkamad Mareykan Ku Taal Xukun Ku Riday.

0

Maxkamada Federaalka dalka Mareykanka ayaa danbi ku heshay wiil Soomaali Mareykan ah kadib marki uu qirtay inuu teegroo u fidiyey kooxda Daacish.

Cabdirasaq Warsame oo ah wiil Soomaali Mareykan ah kana soo jeeda magaaada Minneapolis ee gobola Minnesota ayaa loo qirtay danbi ah inuu dhalinyaro Soomaali ah oo iyana kasoo jeeda Minnesapolis uu ku dhiirigeliyey in ay u safraan dalka Syria.

Hooyada dhashay wiilkan oo lagu magacaabo Deeqa Xuseen oo saakay u hadashay idaacada VOA laanteeda Af Soomaaliga ayaa sheegtay in ay ka xuntahay waxa qabsaday wiilkeeda.

Waxa kale oo ay sheegtay in qirashada danbiga ay aheyd mid ah go,aan ku gaareen iyada iyo wiilkeeda.

‘’ Anaga ayaa go,aan ku gaarnay inuu runta ka sheego wuxuu sameeyey, marki aan ogaaday aad ayaan uga naxay mana rabin in arrintan ay igu dhacdo’’ ayey tiri hooyaadaan.

Ma ahan marki ugu horeysay oo ay Maxkamad Mareykan ah xakunto dhalinyaro Soomaaliyeed oo loo heysto argagixisonimo, horraabti bishan ayey aheyd marki wiil Soomaali ah oo lagu eedeeyey inuu taageeray Al Shabab lagu xakumay xabsi 10 sana ah.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media