TOP NEWS:- Wiilka Soomaaliga ee dilka ka geystay Sweden oo la soo taagayo Maxkamadda Dadka Waa Weyn

0

Wargeyska The Local ee ka soo baxa dalka Sweden ayaa qoray in Wiilka Soomaaliga ee lagu magacaabo Yuusuf Khaliif Nuur la ogaaday inuusan 15 jir ahayn ee uu yahay qof ka weyn da’da 18-jir.

Wiilkaasi ayaa loo haystaa inuu Tooreey ku dilay Haweeney ka mid ah Shaqaalaha Samafalka ee ka hawlgeli jirtey Xarun lagu hayo Carruurta Qaxootiga ee aysan Waalidkooda la soconin oo ku taalla duleedka magaalladda Gothenburg ee Waqooyiga dalka Sweden.

Haweeneydaasi oo lagu magacaabo jirey Alexandra Mezhar oo 22jir ah ayaa u geeriyootay dhaawacyo mindi oo uu Wiilka Soomaaliga kaga dhuftay dhabarka iyo bowdada.

Afhayeenka Hay’adda Muhaajiriinta ee dalka Sweden, Johanna Mahlen ayaa u sheegtay Wargeyska The Local inuu Eedeysanaha, Yuusuf Khaliif Nuur uu codsigiisa Magangelyo-doonka ku sheegay inay da’diisa ka hooseyso 18-jir, waxaana la xaqiijiyey inuu mar kale codsaday inuu shaqeysto.

Go’aanka Kama-dambaysta ee da’diisa saxda ah waxay isbedel ku keeni doonaa Xukunka uu muteysan doono.

Dacwad-oogaha gacanta ku haysa Kiiskaasi, Linda Wiking ayaa u sheegtay Wargeyska Goteborgs-Posten in laga yaabo in Eedeysanaha loo gudbiyo Maxkamadda Dadka Qaan-gaarka ah (An adult court).

Eedeysanaha waxa uu isbuucii hore ka soo hor muuqday Maxkamadda Degmadda ee Gothenburg, waxaana lagu soo oogay Fal dembiyeedyadda Hal Dil iyo Hal Isku-day Dil.

1