DHAGEYSO:- Dowlada Uganda oo ka feejigan Weeraro Al-shabaab ka geystaan Dalkeeda

0

Amaanka dalka Uganda ayaa aad loo adkeeyay iyadoo laga baqayo weeraro amni daro ah oo ka dhacaan dalkaasi xiliga ay socdaan doorashooyinka la qorsheynayo iney bishaan dhamaadkeeda ka dhacaan dalka Uganda.

Maalmo kooban gudahood ayaa la qorsheynayaa iney doorashooyin qaran ka dhacaan dalka Uganda, waxaana dadka ay soo dooran doonaan madaxweynaha dalka Uganda iyo xubnaha baarlamaanka.

Taliyaha ciidamada booliska dalka Uganda Kale Kayihura, oo saxaafada kula hadlay magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa sheegay in shacabka Uganda ay xaq u leeyihiin iney cabsi la’aan codkooda u dhiibtaan.

Laamaha amaanka ayuu sheegay iney heegan buuxa ka galeen amni daro ka dhacdo dalka Uganda ayna ka feejigan yihiin weeraro kooxaha Alshabaab iyo kooxaha kale ka geystaan dalka Uganda inta doorashooyinka ay socdaan.

Taliyaha wuxuu sheegay in muhiimada koowaad ay siin doonaan dhinaca amaanka, wuxuuna kaga mahad celiyay shacabka dalka Uganda sida ay kaga qeyb qaadanayaan amaanka goobaha codeynta ay ka dhaceyso dhamaadka bishan February.

Sidoo kale ciidamada booliska ayuu kaga mahadceliyay waajibaadka ay gudanayaan maadaama magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi lagu daadiyay ciidamo badan oo booliska ka tirsan.

Ugu dambeyn ayuu sheegay taliyaha ciidamada booliska dalka Uganda iney shacabka ka dalbanayaan iney si wanaagsan ula shaqeeyaan laamaha amaanka si looga hortago qataro dhanka amaanka ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-