Waa Sidee Xaaladda Magaalada Xalab ?

0

Hay’adaha samafalka ayaa ka digaya musiibo bani’aadanimo oo ka dhalata dagaalada ka dhacaya agagaarka magaalada Xalab ee dalka Suuriya.

Hay’adda Laanqayrta Cas ayaa waxa ay sheegeysaa in muddo laba usbuuc ah ay magaaladaasi biyaha ka go’an yihiin.
Waddooyinka ay sahayda u soo mari jirtay magaaladaasi ayaa go’an, waxaana shidaal iyo koronto la’aan ba’an laga dareemayaa gudaha magaalada.

Hay’adda dhakhaatiirta aan xudduudda la hayn ayaa waxa ay sheegeysaa in ugu yaraan saddex cusbital oo ay maamuleysay lala beegsaday duqeymo.

Ku dhawaad 50,000 oo qof ayaa ka qaxay gulufka ay waddo dowladda Suuriya oo uu Ruushka taageero.
Hay’adda ICRC ayaa waxa ay sheegtay in cunno, dawo iyo biyo loo baahan yahay in halkaasi la gaarsiiyo maalmaha foodda inagu soo hayo.