Wadamo badan oo laga mamnuucay Xuska Maalinta Jaceylka aduunka oo beri ku beegan

0

Maalinta Berri ah waxaa ay ku beegan tahay 14ka Bisha February,waxaana Waddamada Reer Galbeedka laga xusaa maalin ay ku sheegaan in ay tahay maalinta Jacaylka Adduunka.

Waddamada qaar ee Caalamka ayaa durba mamnuucay in Dadkooda ay maalintaas xusaan ama sameeyaan kulamo ay siugu tagayaan Dadka Waxaana ay kala yihiin:

1-Indonesia

Dowladda Indonesia ayaa soo saartay amar mamnuucaya in Dadka Dalkaasi ay xusaan maalintaasi oo Dadka aan Muslimka ahayn ee Indonesia ay inta badan xusaan.

Dalka Indonesia waxaa Waddanka ugu Muslimka badan Caalamka,waxaana Sanadihii la soo dhaafay ay Dowladda ka codsanayeen in la joojiyo xuska maalintaasi oo aanay Diinta Islaamku farin.

2-Malaysia

2014kii Booliska u badan Muslimka ee Dalka Malaysia ayaa xabsiga dhigay 80 Lamaane Muslimiin ahaa oo ka qeyb galay goob lagu xusayay Maalinta Jacaylka Adduunka.

Markaas wixii ka dambeeyay Dowladda Malaysia waxaa ay amar ka soo saartay in dalkaasi oo Dadkii ay 61% Muslimiinyihiin laga xuso maalinta Jacaylka Adduunka waxa ay ugu yeeraan Reer Galbeedka.

3-Pakistaan

2014kii Jaamacadaha Magaalada Peshawar Ardeyda dhigata ayaa Gacanta isula tagay kadib markii ay isku af garan waayeen saxnimada Maalintaas,waxaana ay keentay in ay is waxyeelleeyaan.

Booliska ayey dhagxaan ku tuureen oo markaas isku dayay in ay kala eryaan Ardeyda is garaaceysay,waxaana ku dhaawacmay qaar ka mid ah Booliska iyo Ardeydiiba.

4-Iran

Dowladda Iiraan waxaa ay amar ku bixisay in xus iska daaye xitaa aan la iibsan karin Ubax casaan ah,waxaana ay u hanjabtay Ganacsatada Ubaxyada Casaanka ah ka iibiya dadka gaar ahaan maalintaan.

Waxaa ay sheegtay Dowladda in dhaqankan uu yahay mid Reer Galbeed sidaa darteedna aysan rabin raallina ka ahayn in la xuso maalintaasi.

5-Sucuudiga.

Boqortooyada Sucuudiga iyada ayaaba ka sameysan Qoys Diimeed,sidaa darteed Dadku kuma dhiirran karaan in ay xusaan waxyaabaha ay mamnuucday Diinta gaar ahaan Dhallinayarada oo qarsoodi u sameeya.

mid ka mid ah Ganacsatada Sucuudiga ayaa u sheegay BBC-da qeybteeda Afka Carabiga in Taleefanka looga sheegay in ay Xukumadda mamnuucday Xuska Maalintaas sidaa darteedna aanay iibin karin waxyaabaha la isa siiyo.

Ragga iyo Dumarka ayaan xitaa la ogoleyn in ay isku meel ka cunteeyaan Maqaaxiyadaha,waxaana mamnuuc ah sidoo kale in ay ku kulmaan meelaha Bulshadu ku badan tahay.

2014kii 5 Qof oo Sucuudiyaan ah ayaa lagu xukumay min 39 Sano oo Xabsi ah iyo 4,500 oo Karbaash kadib markii la arkay iyaga oo la ciyaarayay maalintan oo kale 6 Haween ah oo aysan qabin.

6-Hindiya

Dalka Hindiya inkasta oo aysan ku badneyn Dadka Muslimka ah marka loo bar bar dhigo Diimaha kale ayaa Haddana Dowladdu diidday Xuska maalinta 14ka February iyada oo ka duuleysa Qadiyadda Gumeysiga Ingiriiska iyo in aysan buun buunin aragti Reer Galbeed,waxaana arrintan soo dhaweeyay Muslimiinta Hindiya oo dhankooda Dowladda ka taageeray markii uu go’aankan soo baxay.

Qowmiyadda Hinduuga ayaa inta badan maalintan oo kale sameysta Guur wadareed,waxaase la mamnuucay markii Dalka Hindiya uu madaxbanaanida ka qaatay Gumeysiga ingiriiska Sanadkii 1947dii.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

222222

 

444 555 3333