Wafdi uu hogaaminayo Micheal Keating oo ku Wajahan Magaalada Garoowe

0

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Micheal Keating iyo wafti kasocda beesha caalamka ayaa lafilayaa inay Saaka xilli hore tagaan  magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Wafuudaani heerka caalami ah ee uu hogaaminayo wakiilka xoghayah guud ee Qaramada Midoobey uqaabilsan xafiiska taageerada Soomaaliya ayaa waxa ay kulamo laqaadan doonaan madaxda Maamulka Puntland,Ururada Bulshada rayidka ah,Isimada, haweenka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

Wufuudaan Tageysa Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa waxaa u jeedka socdaalkoodu yahay sidii ay Puntland ugala hadli lahaayeen arrimaha geedi socodka ee hanaanka doorashada Soomaaliya, gaar ahaan qaadashada hanaanka waxqaybsiga qabiilka ee 4.5.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo oo dhowaan ka qaybgalay shir kadhacay Muqdisho ayaa qaadacay inay saxiixaan 4.5, maadaama ay horay ubalanqaadeen inay fulin doonaan rabitaanka shacabka Puntland.