WAR CAD:- Amisom oo dowlada Soomaaliya runta u sheegtay+ Ciidanka dowlada inay ka wanaagsan yihiin Amisom oo la qiray

0

Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira ayaa kulan u qabtay Taliyayaasha Qeybaha AMISOM ee jooga Gobollada Soomaaliya,waxaana looga hadlay kulankaasi sida loo adkeyn karo amniga Soomaaliya iyada o la kaashanayo Ciidanka Soomaaliya.

Francisco Madeira,w axaa uu sheegay in Nabad ka dhalata Soomaaliya ay ku xiran tahay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay iska kaashadaan la dagaallanka Al-shabaab,wada shaqeyn joogta ahna yeeshaan.
Muhimadda howgalka AMISOM ayuu sheegay in ay tahay nabad ku so celinta Soomaaliya,taas oo uu sheegay in ay wadashaqeyn dhow la yeelanayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

“Dadka iyo dalkan weyn ee Soomaaliya waxaa ay qalbiga ku hayaan Nabad ka dhalata Waddanka,taas oo ah ahmiyadda kowaad ee AMISOM”ayuu yiri danjire Francisco Madeira.

Dowladda Soomaaliya,. AMISOM iyo Beesha Caalamka ayuu sheegay in hadda ay iska kaashanayaan dhismaha iyo muhiimad siinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,si loogu guuleysto howlgalka AMISOM.

Francisco Madeira, waxaa uu yiri “Cidanka AMISOM ma’aha Ciidan Gumeysi u jooga,waxaana ay u dagaallamayaan in ay so celiyaan Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galaya Talisyada Saraakiisha ugu sarreysa AMISOM ee ka socda Waddamada Uganda,Jabuuti,Kenya Itoobiya iyo Burundi.