WAR CUSUB: Alshabaab iyo AMISOM oo ku wada sugan Magaalada Marka

0

Wararka laga helayo magaalada Marka oo gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in magaaladaasi ay gashay xaalad adag oo dhinaca ammaanka ah, iyadoo ay ku wada sugan yihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa Alshabaab oo si wadajira u jooga magaalada.

Shalay markii ay dib ugu laabteen ciidamada AMISOM oo ay la socdaan ciidamada degaanka ayaa la sheegay inay ka baxeen magaalada maleeshiyada Alshabaab dagaal kooban kadib, balse ciidamada AMISOM ayaa dib ugu laabtay xerada Ayuub ee geesta magaalada ku taalla, halkaasoo ay saldhig ka dhigteen, waxaana durbadiina magaalada dhinacyada kale ka soo galay maleeshiyada Alshabaab.

Dadka degaanka ayaa cabsi weyn ka qaba xaalada cusub ee magaaladu gashay, waxaana dhibaatada ugu weyn ay tahay inuu dagaal ka dhaco gudaha magaalada oo ay ku wada sugan yihiin labada dhinac.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ka maqan yihiin magaalada taasoo keentay in Alshabaab ay ku soo noqdaan, wuxuuna xaqiijiyay in magaalada Marka ay qeyb ka heystaan Alshabaab.