WAR DEG DEG:- 50 ku dhimatay qarax ka dhacay Nigeria

0

Masuuliyiinta dalka Nigeria ayaa sheegay in 50 qof lagu dilay weerar isqarxin ah oo ka dhacay xero ay ku jiraan barakacayaal oo ku taalla gobalka Borno.

Weerarkan ayaa talaadadii la soo dhaafay ka dhacay xeradan barakacayaasha oo dhinaca woqooyi ka xigta magaalada Maiduguri. Wararka ku saabsan qaraxan ayaa hadda soo baxay maadama deegaankaasi aysan ka jirin isgaarsiin fiican.

Qaraxa waxaa gaystay laba qof oo dumar ah, mid seddaxaad ayaa la xiray kadib markii la sheegay in ay diiday in ay isqarxiso maadaama ay waalidkeed ku jireen xeradaasi.
Kacdoonka Boko Xaraam waxaa ku abrakacay in kabadan 2 milyan oo qof lixdii sano ee la soo dhaafay.