WAR DEG DEG:- Ahlusunna oo Damisay Shirkado Korontada bixiyay Degmada Guriceel

0

Ciidamada ammaanka Degmada Guriceel ee Maamulka G/dhexe ayaa xiray xarumaha labo shirkadood oo ah kuwaa korontada bixiya oo ku yaala Degmada Guriceel.

Shirkadahaan oo lagu kala magacaabo Kaah iyo Binqooje ayaa la xiray saaka kadi markii sida la sheegay ay Maamulka isku fahmi waayeen arrimo la xariira Canshuuro laga doonayay in ay bixiyaan.

Sidoo kale mid kamida Maamulka Shirkadahani oo lagu magacaabo C/laahi Shiikh C/waaxid ayay Ciidamadu xireen.

Xirnaanshaha Shirkadaha Korontada ee Maanta ayaa waxa ay saameyn ku yeelatay Ganacsiga iyo nolosha Xaafadaha oo muhiim ay u tahay Korontada.