WAR DEG DEG:- Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo la Wareegay Degaanka Biya-cadde

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika ee AMISOM ay Saaka la Wareegeen Degaanka Biya-cadde oo hoostaga Degmada Mahadaay ee isla Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wararka ayaa intaa ku daray in Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika Ee AMISOM ay Dagaal kula Wareegeen Degaankaasi oo ay Al-shabaab horay u haysteen.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa noo Xaqiijiyay in Ciidamada la wareegay Biya-cadde ay ka baxeen Degmada Mahadaay Ee Gobolka Shabellaha dhexe islamarkaana uu Qorshahoodu yahay in ay Gacanta ku dhigeen Degaanada Afarta Tuulo.

Wali lama Oga Khasaaraha Dhimasho iyo dhaawac Ee dagaalka ka dhashay,iyadoo Ciidamada ay hadda si buuxday gacanta ugu hayaan Degaanka Biya-cadde.