WAR DEGDEG: Toogasho ka dhacday Gobalka Jeesaan ee dalka Sacuudiga

0

Nin ku hubeysan qoriga darndooriga u dhaca ayaa la sheegay inuu 6 qof ku dilay Dhismo ku yaalla Gobalka Jaysaan ee Koonfurta dalka Sacuudiga.

Wararka hordhaca ayaa sheegayo in Ninkaasi oo Barre ahaa uu dilay 6 saaxiibadiisa, kadib, markii uu xoog ku galay Dhismaha Waaxda Waxbarashadda ee Gobalkaasi.

Hadal ka soo baxay Ciiddanka Ammaanka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in la qabtay Ninka weerarka geystay, mana cadda sababaha rasmiga ee uu dil-wareedkaasi u geystay.