Wararkii ugu dambeeyay ee Xaalada Magaalada Marko

0

Xaalada Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa saaka degan ka dib markii ay la wareegeen ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo shalay subax si nabadgelyo ah Magaalada ku qabsaday.

Dadka ku nool Magaalada Marka oo dareemaya cabsi weyn oo ku aadan in dushooda lagu dagaalamo ayaa kuu sheegaya in xalay ay ku seexdeen walaac badan, maadaama ay ka cabsi qabeen in Shabaab ay weerar soo qaadaan oo sidaasi lagu dagaalamo.

Ciidamada Dowladda ayaa lagu arkaayay xalay iyaga oo dhex wareegaya Xaafadaha Magaalada Marka oo howlgalo ka sameynaya, waxaana ciidamada ay qabanayeen sida dadka deegaanka ay inoo sheegeen dadka ay uga shakiyaan inay Shabaab ka tirsan yihiin.

C/qaadir Macalin Nuur  Abaanduulaha Taakuleynta Ciidanka Xoogga dalka Somaliyed ayaa sheegay howlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayo ciidamada xalay inay ka sameyeen Magaalada gudaheeda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xalay dhanka Xeebta laga maqlaayay jug culus, waxaana dadka qaar ay sheegayaan in ciidanka Amisom ay ridayeen rasaas culus oo dadka cabsi gelisay.

Lama oga halka ciidamada Amisom rasaasta ay ridayeen cida ay ku tuurayeen, inkastoo ay suuragal tahay in ciidamada ay shakiyeen ama ay dareemen dhaq-dhaqaaq ciidan.

Shabaab ayaanan ka fogeyn Magaalada Marka oo waxa ay ku sugan yihiin duleedka Magaaladaasi, waxaana suuragal ah saacad waliba inay Magaalada ku soo qaadaan dagaal ay ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan gacan ku haynta Magaalada Marka.