Wararkii ugu dambeeyay ee Xaalada Magaalada Marko

0

Dagaal kooban ayaa maanta ka dhacay magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada Soomaaliya oo garab ka helayo ciidamada AMISOM iyo Ciidamo Alshabaab taabacsan.

Dagaalka ayaa ka dhacay xaafado magaalada ku yaala oo ay ku kala sugnaayeen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo ciidamada Al-shabaab oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Marko.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la ogeyn qasaaraha ka dhashay dagaalka maanta ka dhacay magaalada Marko.

Ma jirto faahfaahin buuxda oo ku aadan dagaalka ka dhacay magaalada Marko ee xarunta Shabeelaha Hoose qasaaraha uu geystay, laakiin qaar kamid ah xubnaha maamulka degmada ayaa sheegaya in qasaaro Al-shabaab ay gaarsiiyeen.

Masuuliyiinta dowlada Soomaaliya ayaa sheegay iney si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Lasoco waxii kusoo kordhaa Insha allah…