WARBIXIN:- Cabsi laga qabo dad u dhinta biyo la’aan

0

Deegaanno ka mid ah Puntland oo ay ku dhufteen abuuro ayaa laga digaya xaaladda ka jirta oo ku dhow dhimasho,sida uu sheegay guddoomiyaha hay’adda maareynta masiibooyinka iyo arrimaha bini’aadanimada.

Cabdullaahi Cabdirixmaan Axmed (Ceyrow) oo ah madaxa hay’adda qaabilsan arrimaha masiibooyinka ayaa u sheegay warbaahinta inay jiraan dad badan oo u bahan biyo,haddii si dhaqso ah an loo helina ay dhici karto inay qaarkood u dhintan.

“Waxaa loo bahan-yahay gurmad deg deg ah biyo la’anta jirta waxay sababi karta dhimasho,maaddaama aysan dad badan heli karib biyo ay cabaan,“ayuu yiyo Ceyrow.

Waxuu u sheegay dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah in la sameeyo gurmad deg deg ah oo looga jawaabayo abaara ku dhuftay deegaanno badan oo Puntland ka tirsan.

Ceyrow waxuu sheegay deegaanno ku yaalla bariga in aysan helin labo xilli roobad biyo ku filan,taasina ay sahleyso inay ballaarato saameynta ka dhalan karta abaaraha hadda ku dhuftay deegaanno Puntland ka tirsan.

Madaxweynaha Puntland ayaa maalmo ka hor xaqiijiyay abaaraha ku dhuftay Puntland,isagoo marka ka dalbadey hay’adaha caalamiga ah gur mad deg deg ah iyo ka jawaabida goobaha ay ka jiraan baahiyaha ay ugu horreyaan biyo la’aanta.

Waxuu sheegay madaxweynaha marka in dowladda ay dadaalli doonto,balse ma jiro iskudeyo ku aadan sidii loo gaari lahaa deegaannada ay abaaruhu ku dhufteen.

Deegaanno ka tirsan Puntland oo ay duufaanno ku dhufteen ayaa la sheegay inay-yihiin dhulka ugu daran ee xilligan ay abaartu ku jirto,waxaana yaraadey biyihii,sida ay dadka deegaanka u sheegay warbaahinta gudaha.