Warbixin:- Soomaaliya oo noqotay dalka ugu qiimaha jaban Afrika dhanka ku hadalka telefoonka

0

Soomaaliya waxaa ay 20 Sano  ku jirtay dagaal wajiyo badan,waxaana taas beddelkeeda Ganacsiga gaar ahaan Isgaarsiinta uu ahaa mid kobcayay isaga oo jiray xitaa intii ay socdeen dagaallada Sokeeye.

Soomaaliya waxaa ay qiime ahaan ugu jaban tahay Taleefanada Gacanta Afrika,marka dadka ka imanay Dibadda ay wacayaan ehelkii ay ka yimaadeen,waxaana qiimaha wicitaanka dibadda ee “outgoing Calls” uu yahay $2.53 Doollar.

Warbixin lagu daabacay wargeyska Africareview ayaa lagu soo bandhigay qiimaha ku hadalka telefoonada gacanta iyadoo waxyaabo badan la xeerinayo.

Warbixinta waxaa lagu xusay in Soomaaliya ay tahay dalka ugu faqiirsan Geeska Africa,20 sano oo dawlad la’aan ahna ay soo martay hadana ay noqotay dalka ugu jaban isgaadhsiinta gaar ahaan isgaadhsiinta gaar ahaan isticmaalka telefoonka gacanta.

Soomaaliya waxay noqotay dalka ugu raqiisan halka Zimbabwe ay noqotay dalka ugu qaalisan.Hoos ka daawo warbixinta Africareview.

Taas waxaa u sabab ah Sharikada Isgaarsiinta oo aan ku jirin Gacanta Dowladda,gaarna loo leeyahay iyo Dowladda oo aan Canshuur adag ka qaadis Ganacsatada,waxaana ay Sharikadaha Isgaarsiinta ka faa’ideen in ay iyaga jaan gooyaan qiimaha Taleefanadda Gacanta.

Xigasho Mustaqbalradio.com

telefon