WARQAD CADEYN AH:- Ninkii isku qarxiyay diyaarada Daallo oo ka tirsanaa wasaarada Arimaha dibada xukuumada Soomaaliya+ Ceeb iyo fadeexo ku soo wajahan Madaxda Dalka

0

Shabakadda ayaa heshay Warqad lagu cadeynayay in shaqsigii isku qarxiyay Diyaarada Daallo Airline uu kamid ahaa lataliyayaasha wasaarada arrimaha dibada ee xukuumada Soomaaliya sida ku cad qoraalka Hoose.

Warqadda ayaa waxay kasoo baxday safaarada Soomaaliya ee dalka Turkiga kuna taala magaalada Ankara waxaana safaarada Turkiga ee Muqdisho looga dalbanayay iney Cabdulaahi C/salaan Borle u fududeyso fiisaha dal ku galka Turkiga.

Mr Borle ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa ruux kasoo muuqday muuqaalada ay duubeen kaamirooyinka ku xiran garoonka diyaaradaha kaasi oo siweyn loogu tuhmayo inuu ahaa shaqsigii isku qarxiyay diyaarada Daallo.

1