DHAGEYO:- Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo gaaray Degmada Hobyo

0

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C.raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, ayaa maanta gaaray degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Wafdiga wasiirka arimaha gudaha oo ay kamid yihiin xubno kale oo dowlada ka tirsan ayaa waxaa magaalada kusoo dhaweeyay masuuliyiin maamulka Galmudug ka tirsan oo ku sugan degmada Hobyo.

Ujeedada wafdiga ay u tageen magaalada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa kamid ah dhismaha maamulka degmada Hobyo iyo bilowga dhismaha dekada degmadaasi ay yeelaneyso.

Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa sidoo kale ka sheegay degmada Hobyo iney gacan weyn ka geysan doonaan wadahadalo dhexmaro maamulka Galmudug iyo maamulka Ahlu sunna.

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa degmada Hobyo, waxaana socdo dadaalo maamul cusub loogu sameynayo degmadaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-