Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ku Wajahan Degmada Hobyo

0

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa maanta lagu wadaa in ay tagaan Magaalo Xeebeedka Hobyo Ee Maamulka Galmudug.

Wasiirka ayaa waxaa la socda Mas’uuliyiin  ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana Hobyo ku sugan Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Galmudug  C/kariin Xuseen Guuleed.

Magaalada Hobyo ayaa waxaa lagu wadaa in halkaa dib looga Furo Dekedda Magaalada Hobyo,iyadoo Ganacsato Soomaaliyeed ay ku gacan siinayaan Maamulka Galmudug.