DHAGEYSO:- Xaalada Magaalada Xalab ee Dalka Suuriya oo sii xumaaneyso

0

Ciidamada dowladda Suuriya waxa ay sii wadaan weerarka ay ku hayso magaalada Xalab, laakiin maamulka Turkiga oo dhanka Suuriya u gudbay waxa ay sheegayaan in ujeedadoodu ay tahay inay caawiyaan dadka Suuriya ee guryahooda kasoo qaxay.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga, Numan Kurtulmus ayaa sheegay in 77 kun oo qof hadda lagu caawinayo xuduudda dhanka Suuriya oo xeryo looga dhisay hareeraha xuduudda.

Mr Kurtulmus ayaa yiri, “waxaa lagu dhawaaqay in mustaqbalka dhow, xaaladda ugu xun ee gobolka, in 600,000 oo qaxooti ah ay isugu tagi doonaan xuduudda ay wadaagaan Turkiga iyo Suuriya. Maantana 77 kun oo qof ayaa hoy ka sameystay xeryo ay nawaaxiga xuduudda ka sameysay laanta gurmadka degdegga ah ee Turkiga iyo hay’ado kale. Sidaad ogtahay waxaan Qaabilnay 5,600 oo qof oo carab iyo qowmiyadda Turkmen-ka suuriya isbuucii lasoo dhaafay.”

Kerem Kinik, waa ku xigeenka madaxa hay’adda Red Crescent ee Turkiga, waxa uu sheegay dhankiisa in xaalladda Xalab ay sii xumaanayso.

Wasiir ka tirsan dowladda mucaaradka ee ku meelgaarka ah ee Suuriya, Hussein Bakri, waxa uu muujiyay walaaca ay arrintan ka qabaan.

Waxa uu tilmaamay in “Tani waa duqeyn aan horey loo arag. Waxa ay sababtay in inkabadan 70 kun oo qof ay Xalab ka qaxaan, gaar ahaan waqooyiga. Haddii xaaladda ay sidaan ku sii socoto waxa ay keeni doontaa in illaa 400,000 oo qof ay ka qaxaan gobolka iyo magaalada Xalab. Macadda in Ruushka uu doonayo inuu qabto oo go’doomiyo Xalab sida ka dhacday qeybo ka mid ah Suuriya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-