XOG: Abaabulka Mooshin Cusub Oo Ka Dhan Ah Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xulafadiisa Oo Ka Socda Magalaada Muqdisho.

0

Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan xarunta Baarlamaanka Somalia ayaa sheegaya in Xildhibaanadu ay wadaan diyaarinta Mooshin cusub oo ka dhan ah Wasiirka Amaanka Gudaha C/risaaq Cumar iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa.

Xildhibaanada ayaa labadaani Wasiir ku eedeeyay inaysan ka adkeyn howlihii ay Qaranka u hayeen taasi oo sabab u noqotay in ay ku mashquulaan Safaro iyo howlo aan loo diran, halka shaqooyinka wasaaradahoodu yahay kuwo aan saxneyn.

Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa, ayaa isaga si gaar ah loogu eedeeyay in faquuq uu ku hayo Ergada ku shirsan magaalada Jowhar, halka howlaha xafiiskiisuna yihiin kuwo isaga hakat ugu jira oo aan loo qaban sidii loogu tallo galay.

Wasiir C/risaaq ayaa isna lagu eedeynayaa in amaanka gudaha uusan waxba ka qaban iyadoo tan iyo markii xilkaasi loo dhiibay uu gacanta ka baxay amaanka guud ee magaalada.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay Qaraxyo aan horay looga baran Al-shabaab kuwaasi oo lala eegto kaliya Hoteelada iyo goobaha kale ee lagu caweeyo, waxa ayna taasu dhaliisheedu Xildhibaanada dusha u saaren Wasiirka Amniga.

Dhinaca kale Mooshinkaan diyaarintiisa ay socoto waxaa sidoo kale ka horeeyay Mooshin laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh markii xildhibaanada BF ku eedeeyen in uu jabiyay qodobo dastuuri ah.

Isku soo wada duuboo Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa iminka ay u muuqdaan kuwo u xusul duubaya  in ay Madaxweyne Xasan Sheekh ka saaraan  xafiiska isagoo uu dhameysan waqtigiisa, balse waxaan la ogeyn amaba la xaqiijin karin in uu suuragali doono qorshaha Xildhibaanada.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media