XOG CULUS: Yaa Tikitka Turkish Airlines u jaray Ninkii isku qarxiyay diyaaradda Daallo?

0

Iyadoo ay soo baxayaan faahfaahin ku saabsan ninka la tuhunsan yahay inuu isku qarxiyay diyaaradda Daallo Airlines ee 2-dii bishan shil qarax ah ku qabsaday hawada Muqdisho ayay Goobjooge.com ogaatay xog cusub oo ku saabsan ninkan lagu magacaabo Cabdullaahi C/salaan Boorle.

Ninkan ayaa la sheegay inuu qorshuhu ahaa inuu raaco diyaradda Turkish Airlines ee marinkeedu ahaa Muqdisho-Jabuuti, waxaana la yaab leh xogta soo socota ee u gaarka ah Goobjooge.com oo sheegeysa in tikidhka uu ninka is qarxiyay diyaaradda ku raacay laga jaray ama laga iibiyay magaalada Luanda ee dalka Angola.

Arrintan ayaa ka yaabisay saraakiisha baareysa kiiskan iyo madaxda dowladda, waxaana qarxinta diyaaradda Daallo ahayd qorshe cajiib badan oo si aan hore loo arag muddo dheer loo laga soo shaqeynayay, waxaa kaloo la yaab leh in tikidka Cabdullaahi Boore lagu bixiyay lacag caddaan (Kaash), taasoo meeshaka saareysa in raadraac lagu sameeyo cidda tikidhka jartay.

Kiiskan oo ilaa hadda meelo badan salka la galay ayaa waxaa sii kordhaya silsiladaha iyo dadka tooska ugu lug lahaa iyo kuwa la adeegsaday, waxaana khubarro arrintan ka hadashay ay sheegeen in arrintan u muuqato mid ay ku lug leedahay ISIS, kiiskuna xiriiro min Turkiga ilaa Angola iyo Somalia.