XOG:- Dowlada Itoobiya oo la ogaaday inay damacsan tahay saldhig weyn inay ka hirgeliso Muqdisho

0

Dowlada Ethiopia ayaa wada qorsho ay magaalada Muqdisho uga hirgalineyso Saldhig aad u weyn oo fariisin u noqon doonta Saraakiisha iyo Milliteriga Ethiopia ka jooga Somalia.

Qorshahaani xoogiisa ayaa waxaa isla wada Saraakiisha Dowlada Ethiopia u qaabilsan arrimaha Somalia oo uu ugu horeero Gen. Gebra iyo mas’uul ka tirsan Safaarada Ethiopia ee Somalia kaasi oo lagu magacaabo Jamaaluddiin Mustafa.

Qorshaha ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah Madaxtooyada Somalia oo dadaalka lagu hirgalin lahaa qorshahaasi dhinaca ka wada.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Xaruntaasi laga hirgalin doono Garoonka Aadan Cadde, Xalane ama Villa Somalia.
Dowlada Ethiopia ayaa dooneysa in xaruntaasi ay u adeegsato halka laga kala qeybiyo Saraakiisha ciidamada milliteriga Ethiopia ee k howlgala dalka.

Lama oga sida uu qorshuhu noqon doono, balse waxa ay wararku u badan yihiin in DFS ay ku howlan tahay halka dhismahaasi laga hirgalin lahaa.