XOG:- Mooshin cusub oo ka dhan ah wasiiro, Hadaba ogow Wasiirada la heysto

0

Wararka aan ka heleyno dhanka Baarlamaanka Somalia ayaa sheegaya in Xildhibaanadu ay wadaan diyaarinta Mooshin cusub oo ka dhan ah Wasiirka Amaanka Gudaha C/risaaq Cumar iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa.

Xildhibaanada ayaa labadaani Wasiir ku eedeeyay inaysan ka adkeyn howlihii ay Qaranka u hayeen taasi oo sabab u noqotay in ay ku mashquulaan Safaro iyo howlo aan loo igmad, halka shaqooyinka wasaaradahoodu yahay kuwo aan saxneyn.

Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa, ayaa isaga si gaar ah loogu eedeeyay in faquuq uu ku hayo Ergada ku shirsan magaalada Jowhay, halka howlaha xafiiskiisuna yihiin kuwo isaga hakat ugu jira oo aan loo qaban sidii loogu tallo galay.

Wasiir C/risaaq ayaa isna lagu eedeynayaa in amaanka gudaha uusan waxba ka qaban iyadoo tan iyo markii xilkaasi loo dhiibay uu gacanta ka baxay amaanka guud ee magaalada.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay Qaraxyo aan horay looga baran Al-shabaab kuwaasi oo lala eegto kaliya Hoteelada iyo goobaha kale ee lagu caweeyo, waxa ayna taasu dhaliisheedu Xildhibaanada dusha u saaren Wasiirka Amniga.

Ma cadda goorta ay Xildhibaanadu soo idleynayaa diyaarinta Mooshinka socda, walow warar hoose ay sheegayaan in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu wado dadaalo lagu hakinaayo Mooshinka labada wasiir.