Wararka ka imaanaya Koofurta Gobolka Mudug gaar ahaan Degaanada Caad iyo Ceel-cabdi ayaa sheegaya inuu halkaa ka soconayo Dagaal Xooggan oo u dhexeeya Ciidamada Maamulka Galmudug iyo Al-shabaab.
Degaanada Caad iyo Ceel-cabdi ayaa hoosyimaada Degmada Xarardheere Ee Gobolka Mudug islamarkaana ay gacanta ku hayaan Xarakada Al-shabaab.
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Ciidamada Maamulka Galmudug ay Weeraro ku qaadeen Fariisimo ay halkaa ku leeyihiin Al-shabaab.
Khasaaraha ka dhashay Dagaalkaasi ayaan la ogaan karin Sababo la xariira Xabadda oo wali socota.
Galmudug ayaa Degaanadaasi geysay Ciidamo Aad u badan,iyadoo ay horay u jireen isku dhacyo dhex maray Dadka degaanka oo gacan ka helaya Galmudug iyo Al-shabaab.