Wasiiru dowlaha Wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumada Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xidig oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay si adag ula xisaabtamaya gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.
Waxa uu sheegay in degmo walbo oo qarax ama hoobiyo ka dhaco in lagula xisaabtamayo gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka isla markaana aysan aqbali doonin in amni daro ka dhacda magaalada muqdisho.
Waxa uu tilmaamay in ay wanaagsan tahay in si wadajir ah loogu shaqeeyo amniga caasimada muqdisho, isla markaana ay si adag kula xisaabtamayo gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.
Hoos ka Dhageyso Codka:-