MURUGO:- “Casho ayaan u fadhinay oo hooyo ayaan sugeynay balse meydkeeda ayaa naloo keenay” Shukri..

0

Qaraxyadii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Taaladda SYL dadka ku dhintay waxaa ku jiray Hooyo Isniino Maxamed Maxamuud oo ka mid ahayd haweenka howlaha nadaafada xilliga habeenkii ka sameeya waddooyinka Muqdisho.

Allaha u naxariisto hooyo Isniino ayaa ka tagtay toddobo carruur ah iyo aabbahood oo ay u xamaali jirtay.

Haddaba gabadha ugu weyn reerka Shukri Xuseen Bashiir ayaa ka warrantay sidda dareenkooda uu ahaa ka hor inta aan loo soo sheegin warka naxdinta ah geerida hooyadeed.

Waxau tiri “Annagoo fadhiya goobtii casha sugayana hooyo Isniino ayaan maqalnay qaraxyo waaweyn kaddibna waxaa dhowr daqiiqo kaddib naloo sheegay in dadka ku dhintay ay ka mid ahayd Hooyadeey, aad baan u naxay xaqiiqdii” ayey tiri Shukri.

Waxay sheegtay in hooyo Isniino ay reerka u xamaali jirtay laakin hadda markii ay meesha ka baxday ay la soo daristay dhibaato weyn iyada iyo carruurta kale.

Waxay sheegtay Shukri in aabbaheed uu joogo balse uusan shaqeen oo marxuumada dhimmatay ay u shaqeen jirtay.

Shukri Xuseen Bashiir waa gabadha ugu weyn qoyska ay ka baxday marxuumad Isniino iyada ayaana hadda booskii hooyo nimo buuxisay, waxaana ay wacad ku martay in aysan guursan doonin ilaa inta ay ka waaneeyaan oo wax ka barayaan carruurta ka yer ee la dhashay.

Caruurta shukri

Habadda Akhriste marxuumad hooyo Isniino oo ka shaqeyneysay nadaafadda waddooyinka Muqdisho, waxay u xamaali jirtay carruurtan aad halkan hoose ku arkeysaan cidda dooneysa in caawinto waxay kala xiriiri karan aabbaha carruurtan dhalay oo la yiraahdo Xuseen Bashiir  oo laga helo 0025261-5615686.

Caruurta