Wasiirka arrrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa xaqiijiyey in gacanta lagu soo dhigay 8 ka mid ah 11 nin oo dabley ah oo lagu eedeeyey inay ka danbeeyeen dilka taliyihii qeybta Saaxil.
Md. Warancadde oo la hadlay idaacada VOA qeybteeda Af-Soomaaliga ayaa sheegay in ragani lagu qabtay howlgal ay ciidamada kala duwan ee Somaliland ka sameeyeen dhulka buuraleyda ah ee dhinaca bari kaga beegan magaalada Barbara.
‘‘Ilaah mahadii howlgalki wuxuu kusoo dhamaatay si wanaagsan, waxaa lasoo qabtay danbiilayaashi waxaana halkaan uga mahadcelinayaa ciidamada amniga, waxaan qabanay 8 dableyda ka mid ah oo midi uu dhaawacanyahay, halka sadex kalana aan ku daba joogno’’ ayuu yiri Cali Warancadde.
Ragani ayaa Arbacadi lasoo dhaafay toogasho ku dilay talihiii gobolka Saaxil ee maamulka Somaliland Cabdirasaaq Yusuf Caseyr, kadib weerar ay ku qaadeen isaga oo marayey deegaanka Biyooleey.
Marxuumka ayaa lagu wadaa in maanta aas weyn loo sameeyo iyadoo ay kasoo qeybgali doonaan mas,uuliyiin ka mid ah Somaliland.
HALKAAN KA DHAGEYSO