Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo ka qeyb galay kulan xalay ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in ay meel wanaagsan mareyso wada shaqeynta u dhaxeysa Hay’adaha Dowlada.
Waxa uu sheegay in ay si wanaagsan u wada xiriiraan Hay’adaha Dowlada gaar ahaan Baarlamaanka iyo Xukuumada isla markaana ay si wanaagsan iskula shaqeeyaan.
Waxa uu tilmaamay in ay ku dadaalayaan in ay sii wadaan xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya Baarlamaanka iyo Xukuumada.
Waxa uu xusay in xilligaan oo kale markii la soo gaaro ay is khilaafi jireeen hay’adaha Dowlada Gaar ahaan Baarlamaanka iyo Xukuumada.
Hoos ka Dhageyso Codka:-